Al Qaacidada Saaxilka oo xaqiijisay in laheyste Faransiis ah ay ku bedesheen Boqolaal Maxaabiis Jihaadiyiin ah [Bayaan].

Thursday October 15, 2020 - 08:24:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Qaacidada Saaxilka oo xaqiijisay in laheyste Faransiis ah ay ku bedesheen Boqolaal Maxaabiis Jihaadiyiin ah [Bayaan].

    Markii ugu horraysay xoogaga jihaadiga ah ee ka halgama wadanka Maali ayaa ka hadlay heshiis maxaabiis isweydaarsi ahaa oo ay lagaleen xukuumadaha Faransiiska iyo Maali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay xoogaga jihaadiga ah ee ka halgama wadanka Maali ayaa ka hadlay heshiis maxaabiis isweydaarsi ahaa oo ay lagaleen xukuumadaha Faransiiska iyo Maali.


Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay hoggaanka Jama'at Nasr al-Islam wal Muslimin ee loo yaqaan (JNIM) ayay ku xaqiijisay in heshiis maxaabiis isweydaarsi ah ay lagashay Faransiiska iyo Mali islamarkaana ay soo furteen boqolaal maxaabiis muslimiin ah.

Jamaacada ayaa sheegtay in inkabadan 200 oo maxaabiis ah ay ku bedelatay Haweenay Faransiis ah iyo siyaasi katirsanaa dowladda dabadhilifka Maali.
Nusratul Islaam Walmuslimiin ayaa bayaankeeda farriimo ugu diray cadowga jinsiyadaha kala duwan leh ee ku duulay dalka Maali gaar ahaan Faransiiska waxayna ugu baaqday in uu ciidamadiisa kala baxo dhulalka muslimiinta haddii kale ay weeraradu kusii socan doonaan.


Sophie Pétronin oo aheyd Maxbuusad Faransiis ah ayaa afar sano oo qafaalasho ah kadib iyadoo muslimad ah dib ugu laabatay Faransiiska waxayna sheegtay in ay magaceedi hore ubedeshay Maryama arrinkaas oo ka caraysiiyay madaxweynaha Faransiiska.

Tallaabadan ay Jihaadiyiinta Maali kusii daysteen boqolaal maxaabiis ah iyagoo ku bedelanayay laba qof oo kaliya ayaa si aad ah looga hadal hayaan galbeedka qaaradda Afrika.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items