Guddoomiyaha deegaanka Hoosingoow oo isku day dil ka badbaaday.

Thursday October 15, 2020 - 11:45:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha deegaanka Hoosingoow oo isku day dil ka badbaaday.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday maleeshiyaad katirsan maamulka 'Jubbaland' iyo ciidamada Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday maleeshiyaad katirsan maamulka 'Jubbaland' iyo ciidamada Kenya.


Xalay saqdii dhexe ayay xoogaga Al Shabaab weerar ku qaadeen guri uu deganaa guddoomiyaha deegaanka Hoosingoow ee xuduud beenaadka dhaca.

Sida wararku sheegayaan guddoomiyaha laweeraray ayaa si dirqi ah isku day dil uga badbaaday balse waxaa dhaawacmay sedax kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa.

Dhinaca kale xoogaga jihaadiga ah ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Taabto ee duleedka degmada Dhoobleey.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items