Al Shabaab oo si kooban ula wareegay deegaanno ku dhow Dhuusamareeb.

Thursday October 15, 2020 - 12:09:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo si kooban ula wareegay deegaanno ku dhow Dhuusamareeb.

    Ciidamo katirsan wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa dhaq dhaqaaqyo ka sameeyeen deegaanno hoos yimaad magaalada Dhuusamareeb ee xarunta ah gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa dhaq dhaqaaqyo ka sameeyeen deegaanno hoos yimaad magaalada Dhuusamareeb ee xarunta ah gobolka.

Wararka ka imaanaya wadada laamiga ah ee xiriirisa Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ay gaareen deegaanno dhowr ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalyahanada Jihaadiga ah ay gaareen deegaannada kala ah Tuulo Barqadle, Buulo Xaaji,Baraag Oogle iyo ilmurun oo dhammaantood hoos taga Dhuusamareeb.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkayeen ciidamo wata gaadiidka Tiknikada ah oo dhaq dhaqaaqyo ka wada deegaanno 10KM ujira Dhuusamareeb oo xarun u ah maamulka isku magacaabay 'Galmudug'.


Bilihii lasoo dhaafay ayay xoogaga Al Shabaab weeraro culus ku qaadayeen saldhigyada ciidamada Jabuuti iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin degmada Dhuusamareeb.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items