Sawirro: Saraakiil sarsare oo ku dhintay weerarkii askarta badan lagu laayay ee ka dhacay duleedka Afgooye.

Thursday October 15, 2020 - 13:30:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Saraakiil sarsare oo ku dhintay weerarkii askarta badan lagu laayay ee ka dhacay duleedka Afgooye.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii aadka cuslaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay meel ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaas oo lagu gummaaday ciidamo katirsan dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii aadka cuslaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay meel ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaas oo lagu gummaaday ciidamo katirsan dowladda.


Meydadka saraakiil iyo askar ayaa xalay fiidkii lagasoo daad gureeyay deegaanka Bululoow oo kaabiga ku haya Afgooye.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda xaqiijisay in khasaare lixaad leh uu ciidamadeeda kasoo gaaray dagaalkii ay lagaleen dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin.

Saraakiil sarsare oo katirsanaa ciidamada Melleteriga ayaa kamid ahaa 25 askari oo lagu dilay weerarkii gaadmada ahaa ee gabaldhicii shalay ka dhacay Bululoow.







Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawirrada iyo magacyada qaar kamid ah saraakiishii ku baxay gacanta Al Shabaab waxaana kamid ahaa Gaashaanlle Cabdulle Cali Mire oo ahaa taliyaha Ururka 54aad iyo Col,Cabdi Max'med Guutaale.

Jeneraal Max'med Cali oo katirsan saraakiisha ciidamada dowladda ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in ciidamadooda weerarka lagu kediyay islamarkaana uu jiro khasaara lixaad leh.

Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa isna sheegay in ugu yaraan 24 askari ay ku dileen weerarkii ka dhacay duleedka degmada Afgooye oo qiyaastii 30Km dhanka galbeed Muqdisho uga beegan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items