Dowladda Itoobiya oo xirtay saxafi dhaliilay Abiy Axmed.

Friday October 16, 2020 - 06:54:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo xirtay saxafi dhaliilay Abiy Axmed.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa dib ubilaawday howlgallada ay ku xirxirayso siyaasiyiinta iyo saxafiyiinta sida aadka ah umucaaradsan nidaamka Abiy Axmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa dib ubilaawday howlgallada ay ku xirxirayso siyaasiyiinta iyo saxafiyiinta sida aadka ah umucaaradsan nidaamka Abiy Axmed.


Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada booliska ee sida melleteriga utababaran ay howlgallo raaf ah ka fuliyeen xaafado katirsan magaalada Addis Ababa waxayna ku beegsadeen xubno si aad ah udhaliilsan dowladda.

Saraakiil mucaarad ah ayaa sheegay in Addis laga xiray nin saxafi ah oo lagu magacaabo Temesgen Desalegn kaas oo si aad ah udhaliilsan R/wasaaraha Itoobiya.

Ciidamo farabadan ayaa xoog ku galay xafiiska Majaladda Fitih ee Addis Ababa kadibna waxay kaysteen tifaftiraha majallada iyo qaar kamid ah shaqaalaha, nin walaal la ah saxafiga laxiray ayaa warbaahinta u sheegay in aysan ogeyn halka loola dhaqaaqay walaakiis.



Maqaal uu maalmo ka hor majallada ku faafiyay ninkan saxafiga ah ayuu si aad ah ugu dhaliilay dowladda Itoobiya oo lugaha kula jirta fatqalado dhanka siyaasadda ah.

Dowladda Itoobiya ayaa horay uxirtay hoggaamiyaashii ugu sarreeyay kooxaha mucaaradkawaxaana tallaabadaas ka dhashay kacdoon ay sameeyeen shacabka kasoo jeeda qowmiyadda Oromada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items