Afghaanistaan dad aan waligood la jabinin:

Friday October 16, 2020 - 08:50:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afghaanistaan dad aan waligood la jabinin:

    Afghanistan war (1979-1989) = Dagaalkii Afgaanistaan (1979-1989). Waa dagaal Jihaadi ah, socdeyna muddadii u dhexaysey sannad 1978kii ilaa 1992kii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afghanistan war (1979-1989) = Dagaalkii Afgaanistaan (1979-1989). Waa dagaal Jihaadi ah, socdeyna muddadii u dhexaysey sannad 1978kii ilaa 1992kii,


kaas oo u dhexeeyey Mujaahidiintii reer Afgaanistaan iyo dawladdii Shuuciga ahayd ee Afgaanistaan xilliggaa ka talinaysey, gacanna ka helaysay Midowgii Sofiyeeti. Dagaalkan oo lagu tilmaamo dagaal jilbaha dhulka ugu dhuftay nidaamkii Shuuciga ahaa oo dunida qayb ballaaran ka talin jiray.

Afghanistan war (2001)= Dagaalkii Afgaanistaan (2001). Waa dagaal uu Maraykanka iyo xulafadiisa NATO ku qaadeen dalka Afgaanistaan dhammaadkii sannadkii 2001dii, ka dib markii la dumiyey sarihii dhaadheeraa ee Mataanaha (Twin Towers) kuna yaalley magaalada New York ee carriga Maraykanka.


Dagaalkan ayaa ah mid aan weli dhammaan inkasta oo Maraykanka iyo xulafadiisuba ay ku dhawaaqeen in uu dalka Afgaanistaan isaga baxayo dhammaadkii sannadkii hore (2015) laakiin weli ciidammo ayaa Maraykan ka jooga. Sidii dagaalkii hore ee Afgaanistaan, 1978-1992, uu ugu jabay Midowgii Sofiyeeti, ayaa kanna la saadaalinayaa in awoodda NATO iyo Maraykan ay soo gebagaboobi doonto dhawaan.

Related Items