Qaraxyo iyo weerar 7 Askari lagu dilay oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Friday October 16, 2020 - 20:30:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo iyo weerar 7 Askari lagu dilay oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo iyo qaraxyo khasaara badan dhaliyay oo maanta ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo iyo qaraxyo khasaara badan dhaliyay oo maanta ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.


Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weeraro culus ku qaaday ciidamo katirsan AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka sameeyay duleedka degmada Buula Burde.

Ugu yaraan 7 askari oo katirsan DF-ka ayaa dhintay 7 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qaraxyo is xigxigay lala helay ciidamo huwan ah oo ku socdaalayay inta udhaxaysa Jalalaqsi iyo Buula Burde.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 4 askari Jabuutiyaan ah ay si xun ugu dhaawacmeen iska hor'imaad xooggan oo ay lagaleen Al Shabaab, ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda oo kasoo amba baxay Buula Burde kunasii jeeda Jalalaqsi ayaa qaraxyo iyo weeraro jidgal ah kala kulmaya jihaadiyiinta.


Sida wararku sheegayaan habqanka ciidamada huwanta ah ayaa caawa ku hoyana duleedka Jalalaqsi kadib markii lagu dhiig bixiyay weeraro aad uculus,
ujeedka ciidamada ayaa lagu sheegay in ay sahay iyo maleeshiyaad dhanka Muqdisho ka yimid kasoo gudbiyaan Jalalaqsi balse waxay lakulmaan weeraro isdaba joog ah

Related Items