Hooyo wilkeeda laga xaday oo ku waalatay magaalada Muqdisho [dhageyso].

Saturday October 17, 2020 - 12:16:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hooyo wilkeeda laga xaday oo ku waalatay magaalada Muqdisho [dhageyso].

    Hooyo Faadumo Macallin Maxamed waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Muqdisho, waxaa muda todobaad laga joogo laga xaday wiilkeeda oo aan la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyo Faadumo Macallin Maxamed waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Muqdisho, waxaa muda todobaad laga joogo laga xaday wiilkeeda oo aan la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay.



Kadib todobaad xiriir ah oo raadineysay wiilkeeda ayay hadda ka quustay iney hesho, taas bedelkeedana waxay weysay caqligeeda, iyadoo hadda ku jirta xaalad waali ah.

Xubno katirsan qoyskeeda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wiilka la la’yahay lagu magacaabo Cabdi Raxmaan, markii dad ugu war dambeysana uu aaday dugsi Quraan uu dhigan jiray.

Hooyo Faaduma ayaa lagu hayaa xaafad ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, waxaana Allaah uga baryeynaa inuu caafiyo, wiilkeedana u sahlo.



Muqdisho waxaa maalmihii tagay si aad ah ugu soo badanayay caruurta la xadayo iyo haweenka la kufsanayo, waxaana muuqasay in arimahan ay ka dambeeyaan gacmo Shisheeye.

Halkan ka dhagayso Hooyo wiilkeda laga xaday oo ku waalatay Muqdisho

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items