Melleteriga Azarbijaan oo dagaal kula wareegay magaalo muhiim ah.

Saturday October 17, 2020 - 13:23:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Azarbijaan oo dagaal kula wareegay magaalo muhiim ah.

    Wararka ka imaanaya dalka Azarbijaan ayaa sheegaya in dagaalladii cuslaa ee wadankaas ka socday ay dib ubilaawdeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Azarbijaan ayaa sheegaya in dagaalladii cuslaa ee wadankaas ka socday ay dib ubilaawdeen.



Ciidanka cirka dowladda Armeeniya ayaa duqeymo dad badan ay ku dhinteen ka fulijiyay caasimadda labaad ee ugu weyn wadanka Azarbijaan.

Madaxweyne ku xigeenka Azarbijaan ayaa warbaahint u sheegay in ugu yaraan 12 qof ay geeriyoodeen kadib markii ciidamada armeeniya ay duqeymo aan kala sooc laheyn ka geystay xaafado katirsan magaalada.

Qqiic iyo uuro madoow ayaa cirka isku shareeray magaalada Ganjah xilligii ay duqeyntu dhacaysay,dhinaca kale wasaradda difaaca Armeeniya ayaa beenisay in ciidamadeedu ay duqeeyeen magaalada caasimadda labaad Azarbijaan.



Tani ayaa imaanaysa kadib markii ciidamada melleteriga Azariyiinta ay khamiistii lasoo dhaafay la wareegeen illaa lix tuulo oo katirsan gobolka ay dagaalladu ka socdeen ee Naagoorni Kaarna baakh.

Mas'uul u hadlay Xukuumadda Baku ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in ay si buuxda ula wareegeen magaalada Fuzuli oo muddo ku dhow 30 sano ku jirtay gacanta ciidamada Armeeniya.

Xabad joojin isbuucii lasoo dhaafay ladhax dhigay labadan dowladood ayaa burburtay waxaana dib ubilaawday dagaallada lagu hoobtay, Azarbijaan ayaa ku goodisay in ay dagaalka sii wadi doonto illaa ay ciidamada armeeniya ka xuraynayso dhammaan dhulkii ay qabsatay sanaddii 1992-dii.

Related Items