Iska Hor'imaadyo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo iyo Jaziiradda Madhawa J/Hoose.

Wednesday June 18, 2014 - 20:31:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska Hor'imaadyo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo iyo Jaziiradda Madhawa J/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ee dhaca Koonfurta soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore Ciidanka Gumeysiga Kenya
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ee dhaca Koonfurta soomaaliya.
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Jubbooyinka ay weerareen saldhig ciidanka Kenya ku leeyihiin dhismaha jamaacadda Kismaayo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Dhinaca kale ciidamada mujaahidiinta ayaa weeraray jaziiradda Madhaw ee Jubbada Hoose,ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo doomo wata ay dagaal ku qaadeen Jaziiradda oo saldhigyo ay ku leeyihiin maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items