Sida ay xaqiijinayaan warar laga helay taliska ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan waxaa dhaawac udhintay ciidamo Jabuutiyaan ah oo maalmo ka hor lagu weeraray duleedka Buula Burde.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay dhaawac udhinteen illaa Afar Askari Jabuutiyaan ah oo jimcihii lasoo dhaafay ku waxyeelloobay qaraxyo lagula beegsaday deegaanka Buurweyn ee duleedka degmada Buula Burde.
Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Jabuuti ayaa khamiistii lasoo dhaafay ka baxay degmada Buula Burde iyagoo kusii jeeday dhanka Jalalaqsi si ay halkaas ugasoo daabushaan sahay uga timid Muqdisho balse waxay weeraro kala kulmeen dagaalyahannada Jihaadiga ah.
illaa iyo hadda war rasmi ah kamasoo bixin taliska ciidamada AMISOM iyo dowladda Jabuuti oo ku saabsan dhimashada askartan balse Xarakada Al Shabaab ayaa horay u sheegatay mas'uuliyadda silsilado weeraro ah oo ka dhacay Hiiraan.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Ciidamo katirsan AMISOM oo u dhintay dhaawacyo qaraxyo kasoo gaaray.
Sida ay xaqiijinayaan warar laga helay taliska ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan waxaa dhaawac udhintay ciidamo Jabuutiyaan ah oo maalmo ka hor lagu weeraray duleedka Buula Burde.