Weerar 6 Askari Itoobiyaan ah lagu dilay oo ka dhacay gobolka Baay.

Wednesday October 21, 2020 - 09:03:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 6 Askari Itoobiyaan ah lagu dilay oo ka dhacay gobolka Baay.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo deegaan katirsan gobolka Baay ku dhaxmaray ciidamada Xabashida Itoobiya iyo dagaalyahannada Jihaadiga Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari Uuraal ah oo lagu gubay Baay
Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo deegaan katirsan gobolka Baay ku dhaxmaray ciidamada Xabashida Itoobiya iyo dagaalyahannada Jihaadiga Al Shabaab.


Dagaallo culus oo shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ayaa sababay in khasaare aad uculus dhabarka loo saariyo ciidamada gummeysiga Itoobiya.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 6 askari Itoobiyaan ah ay ku dhinteen dagaalka, askarta ladilay laba kamid ah ayaa ahaa saraakiil sarsare waxaana darajadooda ciidan lagu kala sheegay Kabtan iyo laba xidigle.

Wariye ku sugan gobolka Baay ayaa soo sheegay in ciidamada Itoobiya ay gurmad ufidiyeen maleeshiyaad katirsan Koonfur Galbeed oo si xun loogu jebiyay weerar dhabbagal ah balse meel aysan filanayn oo ka baxsan Diinsoor ayay kula kulmeen Kamiin dhiig badan ku daatay.


Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa wadada ugalay ciidanka Itoobiya waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad uculus oo socday ku dhowaad hal saac.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay goobta dagaalka ka daabusheen meydadka 6 askari iyo dhaawac soo gaaray lix kale.

Laba diyaaradood oo nuuca qumaatiga ukaca ah oo ka yimid dhanka Baydhabo ayaa lagu daabulay khasaaraha Xabashida kasoo gaaray weerarkii Diinsoor.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalkii shalay ay ku dhinteen 6 askari Itoobiyaan ah.

Gobollada Bay iyo Bakool ayaa safka hore uga jira meelaha uu ka socdo dagaalka halganka ah ee lagula jiro ciidamada soo duulayaasha gumeystayaasha ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items