Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax lagu beegsaday Agaasimaha Waaxda Socdaalka.

Wednesday October 21, 2020 - 08:41:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax lagu beegsaday Agaasimaha Waaxda Socdaalka.

    Mas'uulka ugu sarreeya Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu khaarijin lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uulka ugu sarreeya Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu khaarijin lahaa.

Qarax xalay fiidkii ka dhacay isgoyska KM4 ee degmada Hodon bartamaha magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay Max'med Aadan Koofi agaasimaha waaxda socdaalka dowladda.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxii ka dhacay KM4, warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in Koonfi uu si dirqi ah uga badbaaday qaraxii lala eegtay gaarigiisa.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Federaalka oo ku saabsan qaraxii xalay ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items