War rasmi ah oo kasoo baxay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayay macaamiisheeda ugu faah faahisay sababta cilladda keentay iyadoona ballan qaadday in dhowaan ay dalka keeni doonto xarig cusub oo Internet ah si looga maarmo haddii cillad tan oo kale ah ay dhacdo.
Hoos Ka Daawo Mas'uul katirsan Hormuud oo shir jaraa'id qabtay
Daawo Video: Internetkii ka maqnaa Koonfurta Soomaaliya oo dib usoo laabtay.
Waxaa dib usoo laabtay Internet-kii ka go'naa Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay kadib markii cillad ay ku timid xarigga Internetka ee Dalcom.