Askari lagu dilay Baydhabo iyo dagaal ka dhacay Qansaxdheere.

Thursday October 22, 2020 - 09:40:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari lagu dilay Baydhabo iyo dagaal ka dhacay Qansaxdheere.

    Weeraro khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Baay ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Baay ee dalka Soomaaliya.


Ugu yaraan hal askari ayaa dhintay 2 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii xoogaga Al Shabaab ay weerareen askar ku sugnaa mid kamida Koontaroollada laga galo magaalada Baydhabo.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al Shabaab ay askari ku dileen Baydhabo islamarkaana ay ka furteen qori iyo booshkiis, daqiiqado kadib ayaa qarax xooggan laga maqlay afaafka hore ee magaalada waxaana ku dhaawacmay illaa 2 askari.


Dhinaca kale dagaal culus ayaa saaka aroortii hore ka dhacay degmada Qansaxdheere ee isla gobolka Baay, ciidamo aad uhubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhig ay maleeshiyaadka Koonfur galbeed ku lahaayeen gudaha magaalada.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidamada wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ay la wareegeen saldhiggii lagu dagaallamay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items