Weeraro Askar iyo saraakiil lagu dilay oo ka dhacay Jubbada Hoose.

Thursday October 22, 2020 - 10:03:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Askar iyo saraakiil lagu dilay oo ka dhacay Jubbada Hoose.

    Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.


Weerar shalay gelinkii dambe ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Cabdalla Biroole iyo Kismaayo ayaa sababay dhimashada laba askari, xoogag jihaadi ah oo weerar dhabbagal ah udhigay ciidamo wadada ku socdaalayay ayaa dilay 2 askari iyagoona ka furtay hubkii ay wateen.

Qarax aad uxooggan oo ka dhacay isla deegaanka Cabdalla Biroole ayaa sababay dhimashada 4 Askari iyo dhaawac soo gaaray sedax askari, wararka ayaa intaas ku daraya in askarta dhimatay mid kamida uu yahay sarkaal sare.


Dhinaca kale iska hor'imaadyo culus ayaa lagasoo sheegayaa deegaanka Baar Sanguuni ee waqooyiga magaalada Kismaayo balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor'imaadyadaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items