Khasaare lixaad leh ayaa ka dhashay duqeymo bahalnimo oo diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaan dhaca waqooyiga wadanka Suuriya.
Ugu yaraan 100 dagaalyahan oo katirsan kooxaha mucaaradka ayaa dhintay kadib markii diyaaradaha Ruushka ay duqeeyeen saldhig tababar oo kuyaal meel ku dhow magaalada Idlib.
War rasmi ah oo kasoo baxay kooxaha mucaaradka ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 100 dagaalyahan ay ku shahiideen duqeymaha oo ay geysteen diyaaradaha casriga dowladda Ruushka.
Duqeynta ayaa ka dhacday saldhigga Jabal Aduweylah halkaas oo ay tababarro melleteri ku qaadanayeen dagaalyahanno katirsan Kooxda Feylaqu Shaam.
illaa iyo hadda majirto dowlad sheegatay mas'uuliyadda weerarkan balse waxaa loo badinayaa in ay mas'uul ka tahay dowladda Ruushka oo si aad ah utaageerta nidaamka Bishaar Al-Asad madaxda ka yahay, goobta ay duqeyntu ka dhacday waxaa ka hirgalay heshiis xabad joojin ah oo Turkigu garwadeen ka ahaa
Duqeyn lagu dilay 100 dagaalyahan oo ka dhacday Waqooyiga Suuriya.
Khasaare lixaad leh ayaa ka dhashay duqeymo bahalnimo oo diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaan dhaca waqooyiga wadanka Suuriya.