Sarkaal ciidan oo lagu dilay bartamaha magaalada Muqdisho.

Wednesday October 28, 2020 - 20:28:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ciidan oo lagu dilay bartamaha magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo caawa ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo caawa ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.


Xoogag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xaafadda Sona Key ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay dileen sarkaal lagu magacaabi jiray Cabdi Khadar balse ku magac dheeraa Ambalaas.

Dilalka ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha DF-ka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay xaafadaha magaalada Muqdisho, shalay ayay aheyd markii qarax iyo dil uu ka dhacday degmada Kaxda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items