Sawirro: Muslimiinta Bangaladheesh oo dhigay dibad baxyo ay ku difaacayaan Nabiga SCW.

Thursday October 29, 2020 - 10:36:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Muslimiinta Bangaladheesh oo dhigay dibad baxyo ay ku difaacayaan Nabiga SCW.

    Dibad baxyo ballaaran ayaa wali ka socda meelo badan oo katirsan caalamka islaamka kuwaas oo loogasoo horjeedo aflagaadadii uu gaal Emmanuel Macron ugeystay Nabi Muxamed SCW.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo ballaaran ayaa wali ka socda meelo badan oo katirsan caalamka islaamka kuwaas oo loogasoo horjeedo aflagaadadii uu gaal Emmanuel Macron ugeystay Nabi Muxamed SCW.


Wararka ka imaanaya wadanka Bangaladheesh ee qaaradda aasiya ayaa sheegaya in boqolaal kun oo muslimiin ah ay dhigayaan iskusoo baxyo aad uballaaran oo ay ku difaacayaan Nabiga SCW.

Fagaarayaasha waaweyn ee magaalada caasimadda Daka waxaa tuban dad lagu qiyaasay boqol kun oo ruux kuwaas muujinayay sida ay ugasoo horjeedaan dowladda saliibiyadda Faransiiska.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay muslimiinta oo xiran dhar lagusoo xardhay erayo lagu difaacayo Nabiga SCW laguna cara gelinayo gaalada Faransiiska.



"hala qaadaco badeecadaha faransiisku soo saaro, sharafka Nabiga SCW waa khad cas oo qofkii ka gudbaa uu ciqaab adag mutaysanayo" ayaa kamid ahaa hadalladii ay ku dhawaaqayeen dadka iskusoo baxyada dhigaya.

hoggaamiyaasha bulshada muslimiinta Banghaladheesh ayaa madaxweynaha Faransiiska ugu goodiyay in uu ka shallaay doono aflagaadada uu ugeysanayo islaamka iyo ehelkiisa.

Magaalada Karaaji ee wadanka Pakistaan ayaa iyana kamid aheyd meelaha ay ka dhaceen dibad baxyada aadka uballaaran ee lagu difaacayo Nabiga SCW waxayna shacabku u hoggaansameen baaqyadii ahaa in laqaadaco alaabaha faransiisku soo saaro.

tani ayaa qeyb ka ah carada ka dhalatay aflagaadada nabiga SCW waxaana larajeynayaa in jawaab celin ficil ah ay muslimiintu qaadi doonaan si lamid ah tallaabtii uu qaaday walaalkeen Cabdalla Alshiishaani oo isbuucyo ka hor magaalada Paris qoorta uga gooyay gaalkii faransiiska ahaa ee nabiga caayay.












Related Items