Dowladda Federaalka oo Axmed Madoobe ku eedaysay dilka Maamulihii Amal Bank Jubbooyinka.

Thursday October 29, 2020 - 11:04:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka oo Axmed Madoobe ku eedaysay dilka Maamulihii Amal Bank Jubbooyinka.

    War rasmi ah oo kasoo baxay mas'uul maamul oo katirsan DF Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ganacsadihii maalmo ka hor lagu dilay magaalada Kismaayo uu ka dambeeyay maamulka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cismaan Nuur Xaaji Macalimoow guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo
War rasmi ah oo kasoo baxay mas'uul maamul oo katirsan DF Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ganacsadihii maalmo ka hor lagu dilay magaalada Kismaayo uu ka dambeeyay maamulka Jubbaland.


Cismaan Nuur Xaaji Macalimoow oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ugu magacaaban dowladda Farmaajo ayaa Xaqiijiyay in dilka ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay geysteen  ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in maamulihii shirkadda xawaaladda Amal Bank ee Jubbooyinka ay dileen 5 askari oo katirsanaa ciidamada ilaalada madaxtooyada 'Jubbaland'.

Dilkii ganacsade Cabdullaahi Cabdi Salaam Shigshigoow ayuu maamulka Gedo ku sheegay in looga gol lahaa cabsi gelinta dhammaanba dadka kasoo horjeedo siyaasadda uu wax ku maamulo Axmed Madoobe.


Allaha unaxariistee Cabdullaahi Cabdi Salaam Shigshigoow ayaa muddo sanada ah maamule ka ahaa shirkadda Xawaaladda Amal ee gobollada Jubbooyinka wuxuuna dilkiisu Kismaayo ka dhaliyay dareen bulsho oo caro leh.

Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu ciidanka Kenya ku qabsaday Kismaayo iyo Afmadoow wuxuu geysanayay falal wuxushnimo oo uu ku beegsanayo dadka indhaha u ah bulshada sida ganacsatada iyo culimaa'udiinka Soomaaliyeed ee caanka ka ah Jubbada hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items