deg deg: Madaxweynaha 'Galmudug' oo si dirqi ah uga badbaaday iskuday dil.

Monday November 02, 2020 - 17:35:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    deg deg: Madaxweynaha 'Galmudug' oo si dirqi ah uga badbaaday iskuday dil.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Galmudug' uu si dirq ah uga badbaaday iskuday dil oo lala damacsanaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Galmudug' uu si dirq ah uga badbaaday iskuday dil oo lala damacsanaa.


Ciidamo katirsan Al Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday garoonka Dhuusamareeb xilli ay halkaas ka kacaysay diyaarad uu la socday Axmed Qoorqoor.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaaradda uu la socday madaxweynaha Galmudug ay si dirqi ah uga fakatay madaafiicda Al Shabaab, war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu xaqiijiyay in Qoorqoor uu weerar lakulmay.

Ilo wareedyo madax banaan oo SomaliMeMo ay ka heshay gobolka Galguduud ayaa sheegaya in diyaaradda oo ay la socdeen xildhibaanno iyo mas'uuliyiin lagu weeraray qoryaha lidka diyaaradaha balse ay si dirqi ah uga badbaaday waxayna kusii jeeday baa laleeyahay dhanka Muqdisho.


Xalay ayay aheyd markii ay xoogaga jihaadiga ah sidaan oo kale ay weerar ugu qaadeen saldhigga ciidanka AMISOM ee isla garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items