Joe Biden oo qarka usaaran in uu noqdo madaxweynaha Mareykanka iyo Trump oo diiddan.

Thursday November 05, 2020 - 06:13:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Joe Biden oo qarka usaaran in uu noqdo madaxweynaha Mareykanka iyo Trump oo diiddan.

    Tartanka madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa maraya marxalad xasaasi ah waxayna guushu udhowdahay musharaxa xisbiga Dimuquraadiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa maraya marxalad xasaasi ah waxayna guushu udhowdahay musharaxa xisbiga Dimuquraadiga ah.


Joe Biden ayaa guulo kasoo hooyay laba gobol oo codadkoodu ay muhiim u ahaayeen cidda noqonaysa madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka.

Guul lama filaan ah oo Biden uu kasoo hooyay gobolka Michigan ayaa sare uqaaday rasiidka codadka Dimuquraadiga, sidoo kale Biden ayaa ku guuleystay gobolka Wisconsin.

Musharaxa Xisbiga Dimuquraadiga ayaa hadda leh 264 cod waxaana xilka madaxweynaha ka xiga oo kaliya 6 cod halka Trump uu leeyahay 214 waxayna ubadantahay in uusan doorashada wax guul ah ka gaari doonin.


Dhinaca kale Trump ayaa taageerayaashiisa u sheegay in isagu uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada wuxuuna duray qaabkii loo tiriyay codadka qaar kamid ah gobollada sida Michigan iyo Wisconsin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items