Joe Biden oo noqday madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka iyo Trump oo kasoo horjeestay.

Saturday November 07, 2020 - 20:40:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Joe Biden oo noqday madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka iyo Trump oo kasoo horjeestay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in doorashooyinkii madaxtinimada ee wadankaas ka dhacay uu ku guuleystay musharaxii utartamayay Xisbiga Dumuquraadiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in doorashooyinkii madaxtinimada ee wadankaas ka dhacay uu ku guuleystay musharaxii utartamayay Xisbiga Dumuquraadiga.


Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka ka dhacday  Talaadadii lasoo dhaafay.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in uu yahay madaxweynaha 46aad ee Mareykanka "Sharaf ayay ii tahay in aad ii doorateen inaan hoggaamiyo dalkeenna weyn" ayuu yiri Biden.

Guusha Joe ayaa timid kadib markii uu helay 290 cod wuxuuna Trump uga adkaaday gobollo xasaasi ah sida Benzelfeeniya iyo Joorjiya oo 50-kii sano ee lasoo dhaafay laga taageersanaa Xisbiga Jamhuuriga.


Taageerayaasha Xisbiga Dimuquraadiga ayaa dhammaan magaalooyinka waaweyn ka bilaabay dabaal degyo ay ku muujinayaan farxadooda ku saabsan guusha ay ka gaareen Trump.

Donald Trump ayaa diiday in uu aqbalo guuldarrada gaartay isagoona ku adkaystay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah islamarkaana uu ku guuleystay doorashadii dhacday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items