Sawir: Trump oo isagoo murugo madaxa la raaricinaya dib ugu laabtay aqalka cad.

Sunday November 08, 2020 - 10:00:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir: Trump oo isagoo murugo madaxa la raaricinaya dib ugu laabtay aqalka cad.

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa markii looga adkaaday doorashooyinkii madaxtinimada wuxuu muujiyay sida uu uga murugeysanyahay guuldarrada gaartay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa markii looga adkaaday doorashooyinkii madaxtinimada wuxuu muujiyay sida uu uga murugeysanyahay guuldarrada gaartay.


Donald Trump ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay aqalka cad kadib markii uu kasoo laabtay ciyaarta loo yaqaan Golfka.

Sawirro lagasoo qaaday goobta ayaa muujinayay Trump oo isaguu madaxa raaricinaya sii gelaya albaaba weyn ee darbiga aqalka cad "madaxweynuhu wuxuu ahaa mid aad uniyad jabsan oo madaxa raaricinaya markii uu dib ugu laabanayay aqalka cad" sidaas waxaa yiri wariye katirsan shabakadda CNN.

Dad taageersan xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku buuqay oo wadada ugalay kolonyadii gaadiidka ee gelbinaysay madaxweynaha Mareykanka ee aan wali xilka wareejin.


Qoraal kooban oo Trump uu ku qoray bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in isagu uu guulaystay wuxuuna diiday in uu qiro guusha uu doorashooyinka ka gaaray Joe Biden musharaxa xisbiga Dimuquraadiga ah.

Ilo wareedyo ayaa usheegay warbaahinta ugu afka dheer dalka Mareykanka iyo lataliyaasha Trump ay usoo jeediyeen in uu aqbalo guuldarrada soo gaartay si looga fogaado fatqalado siyaasadeed oo wadanka ka oogma.

Related Items