Melleteriga Azarbijaan oo Armeeniya ka qabsaday magaalo Istiraatiiji ah.

Monday November 09, 2020 - 08:57:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Azarbijaan oo Armeeniya ka qabsaday magaalo Istiraatiiji ah.

    Melleteriga dowladda Azarbijaan ayaa soo hooyay guul weyn oo dhanka dagaalka ah kadib markii uu lawareegay magaalo muhiim ah oo katirsan gobolka Naagorni Karnabaakh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Melleteriga dowladda Azarbijaan ayaa soo hooyay guul weyn oo dhanka dagaalka ah kadib markii uu lawareegay magaalo muhiim ah oo katirsan gobolka Naagorni Karnabaakh.


Ilhaan Calyeef oo ah madaxweynaha Azarbijaan ayaa kalimad uu ka jeediyay telefeshinka afka dowladda ku hadla wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Shusha.

Dagaallo maalmo qaatay kadib ayay ciidamada Azariyiinta iyo kuwa Turkiga waxay gudaha ugaleen magaalada istiraatiijiga ah ee Shusha halkaas oo 28 sanadood ay xoog ku heysteen ciidamada dowladda Armeeniya.


Ku dhowaad 30 sano kadib ayaa Aadaanka Salaadda laga bilaabay masjid burbursan oo kuyaal waqooyiga magaalada Shusha, magaaladan oo muslimiintu leeyihiin ayaa gabi ahaanteed ladhalan rogay waxaana masaajiddii lagu bedelay Kaniisado ay leeyihiin dadka Nasaarada Armeeniyiinta.

Dagaalka ayaa wali kasii socda Naagorni Kaarna Baakh waxaana muuqata in xulufada Azarbijaan ay guulo kasoo hoynayaan hardanka waloow wali aan laga adkaan ciidamada dowladda Armeeniya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items