Azarbijan oo guul taariikhi ah ka gaartay dagaalkii ay kula jirtay Armeeniya.

Tuesday November 10, 2020 - 09:35:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Azarbijan oo guul taariikhi ah ka gaartay dagaalkii ay kula jirtay Armeeniya.

    Ilhaam Calyeef oo ah madaxweynaha dowladda Azarbijaan ayaa ku dhawaaqay in uu soo idaalay dagaalkii ay ciidamadiisu uga jireen gobolka Naagoorni Karnabaakh ayna guushu iyaga raacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilhaam Calyeef oo ah madaxweynaha dowladda Azarbijaan ayaa ku dhawaaqay in uu soo idaalay dagaalkii ay ciidamadiisu uga jireen gobolka Naagoorni Karnabaakh ayna guushu iyaga raacday.


Isagoo khudbad ka jeedinayay telefeshinka afka dowladda ku hadla ayuu sheegay in ciidamadiisu ay ku guuleysteen dib uxuraynta gobolkan oo sanaddii 1992-dii ugacan galay ciidamada Armeeniya.

Heshiis ay wada saxiixeen Ruushka,Azarbiyaan,Armeeniya iyo Turkiga ayaa dhigaya in ciidamada dowladda Armeeniya ay isaga baxaan deegaannada ay uga suganyihiin gobolka Kaarna Baaq taas bedelkeedna ay Azarbijaan ogolaato xabad joojin.

R/wasaaraha Armeeniya oo hadlayay ayaa heshiikan ku tilmaamay mid murugo ku ah dowladdiisa iyo shacabkiisa sidaas darteedna ay ku qasbanyihiin in ay qaataan guuldarro si loo badbaadiyo buu yiri shacabka Armanka.



Dowladda saliibiyadda Ruushka ayaa sheegtay in kumanaan kamid ah ciidamadeed ay qaab nabad ilaalineed ugeynayso Naagoorni Kaarna baakh si ay u adkeeyaan xabad joojinta ayna ammaan usiiyaan ciidamada Armeeniya muddada isbuucyada ah ee ay gobolka uga baxayaan.

Qabsashadii magaalada Susha ee maalin ka hor ayaa larumeysanyahay in ay dowladda Armeeniya ku qasabtay aqbalidda guuldarro weyn

Related Items