Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa looga dhawaaqay hoggaan cusub oo uu yeeshay maamulka isku magacaabay Hirshabeelle.
Kulan ay xildhibaannada baarlamaanka Hirshabelle yeesheen ayay madaxweynaha cusub ee maamulkaas ugu doorteen Cali Guudlaawe oo horay u ahaa ku xigeenkii Waare.
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in 86 xildhibaan ay madaxweyne udoorteen Guudlaawe halka ninkii latartamayay uu helay 13 cod.
Sidoo kale Yuusuf Dabageed oo horay usoo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa isna laga dhigay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, arrintan ayaa maalmihii lasoo dhaafay si aad ah loo saadaalinayay sababa laxiriira DF-ka oo horay usoo magacaawday xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaasi fadhiidka ah.
Max'med Cabdi Waare oo dhowaan iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Hirshabelle ayaa ku eedeeyay DF-ka in ay mas'uul ka tahay khilaafka siyaasadeed ee ka jiray Jowhar.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Siyaasi daacad u ah Villa Somalia oo noqday madaxweynaha maamulka 'Hirshabelle'.
Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa looga dhawaaqay hoggaan cusub oo uu yeeshay maamulka isku magacaabay Hirshabeelle.