Booliska Federaaliga Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ugu
yaraan hal ruux uu ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay buunddo hoosteed,
saraakiisha xabashida waxay meesha ka saareen in qaraxan uu cilaaqo laleeyahay
dagaallada culus ee ka socda gobolka Tigray.
Dad goobjoogayaal ah ayaa wakaaladaha wararka usheegay
in ay maqleen jugta qarax aad uweyn kadibna ay arkeen ciidamo goobta ay wax ka
dhaceen isku gedaamay.
dhinaca kale wasaaradda difaaca Itoobiya ayaa sheegtay
in ay fashilisay isku day ladoonayay in weeraro looga geysto gudaha taliska ugu
sarreeya ciidamada xabashida.
Mas'uuliyiinta Itoobiya waxay xaqiijiyeen in ay xireen
17 sarkaal oo militari ah kuwaas oo lagu eedeeyay khiyaano qaran iyo la
shaqeynta Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega, iyadoo ay socdeen dagaallada
gobolka ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka.
Raadiyaha iyo Telefeshinka itoobiya oo soo xiganaya
mas'uuliyiin melleteri ayaa sheegay in
17 sarkaal oo millateri ah la xiray iyaga oo diyaarinaya dhul barwaaqo u ah
Golaha Milatariga Jabhadda Xoreynta Dadweynaha ee Tigreega ujeedkuna yahay in
ay weerar ku qaadaan Ciidamada Difaaca Qaranka sida ay hadalka udhigeen.
Raadiyaha ayaa soo xigtay Guddiga Booliska ee
Federaalka isagoo sheegaya in saraakiisha la xiray ay ku kaceen khiyaano qaran
iyagoo abuuray xaalado uwanaagsan Jabhadda Tigreega kadib markii ay jareen
nidaamyadii isgaarsiinta ee u dhaxeeyay Taliska Waqooyi iyo Taliska Dhexe.
marka lagasoo tago sheegashada katimid dowladda
Itoobiya ayay wariyaal mucaaradsan Abiy Axmed waxay baraha bulshada ku
faafiyeen xogo kuwaan udhow oo ah in nidaamka Addis Ababa uu ka badbaaday
inqilaab ay maleegeen jeneraallada ugu sarreeya ciidamada kadibna uu iclaamiyay
dagaal si uu udaboolo halista uu lakulmay.
Gobolka Tigreega waxaa wali ka socda dagaalo u dhexeeya
ciidamada xabashida iyo jabhaddan mucaaradka ah ee sida aadka ah uhubaysan
dagaalkaas oo horseeday in dad aad u tiro badan ay ka barakacaan gobolka iyo
gobolka deriska la ah ee Amxaarada waxayna malaayiin ruux xabashi ah
ufirxanayaan dhanka dalka Suudaan.
Wararkii Ugu dambeeyay: Qarax Addis Ababa ka dhacay iyo Itoobiya oo xirtay saraakiil Shirqool maleegayay.
Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.