Sarkaal katirsanaa ciidanka dowladda oo lagu dilay degmada Baardheere.

Thursday November 12, 2020 - 13:31:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsanaa ciidanka dowladda oo lagu dilay degmada Baardheere.

    Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro khasaare dhaliyay ka fuliyay deegaanno dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro khasaare dhaliyay ka fuliyay deegaanno dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.


Weerar xalay ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag hubaysan ay gudaha magaalada ku dileen sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Deeqoow iyagoona si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.

Sidoo kale dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weerar ku ekeeyay saldhig ay maleeshiyaadka dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaan Baraxoow oo isla Baardheere katirsan.


Dhinaca kale weerar shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Dhuusamareeb ayaa sababay dhimashada askari katirsanaa guutada 21aad ee ciidamada dowladda.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ragga weerarka geystay ay gubeen mooto dhugdhugleey uu maandooriyaha Khaadka ku waday askariga toogashada lagu dilay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items