Xoogag Jihaadi ah oo si nabad gelya ah kula wareegay deegaanka Ceeldheere.

Sunday November 15, 2020 - 07:51:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xoogag Jihaadi ah oo si nabad gelya ah kula wareegay deegaanka Ceeldheere.

    Sida ay sheegayaan wararka laga helayo bartamaha dalka Soomaaliya ciidamada wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa la wareegay deegaanno dhowr ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo bartamaha dalka Soomaaliya ciidamada wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa la wareegay deegaanno dhowr ah.


Xalay fiidkii ayay ciidamada wilaayada islaamiga ah si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceel Dheere oo kaabiga ku haya degmada Dhuusamareeb ee xarunta Galguduud.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegeen deegaanka mana jirin wax dagaal ah oo halkaas ka dhacay, maleeshiyaad katirsan maamulka Galmudug ayaa isaga baxay deegaanka kadib markii ay ka war heleen in lagusoo wajahanyahay.

Deegaanka Ceeldheere ayaa udhaxeeya Guriceel iyo Dhuusamareeb waxaana dhaxmarta wadada laamiga ah ee gobollada dhexe iyo dalka intiisa kale isku xirta.


Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada wilaayada Islaamiga Galguduud ay dib ula wareegeen dhammaan deegaanno ku teedsan Dhuusamareeb oo isbuucii lasoo dhaafay ay ka dhaceen iska hor'imaadyo culus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items