Carona oo markale kumanaan Ruux American ah dilay.

Sunday November 15, 2020 - 16:06:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carona oo markale kumanaan Ruux American ah dilay.

    Caabuqa Covid19 ayaa gummaad daran wuxuu wali ka geysanayaa dalka Mareykanka xilli dadka american-ka ay ku mashquulsanyihiin natiijadii kasoo baxday doorashooyinkii madaxtinimo ee dhowaan dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa Covid19 ayaa gummaad daran wuxuu wali ka geysanayaa dalka Mareykanka xilli dadka american-ka ay ku mashquulsanyihiin natiijadii kasoo baxday doorashooyinkii madaxtinimo ee dhowaan dhacay.


24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa gudaha Mareykanka lagasoo calaamadeeyay dhimashada dad ku dhow kun iyo shanboqol oo ruux iyo bukaanada ku dhowaad 200-kun oo ruux taasi oo ka dhigan iyo dadka American-ka ah ay wajahayaan maalmihii ugu adkaa noloshooda tan iyo markii uu carona ka bilaawday caalamka.

Xarumaha Xakamaynta iyo Ka hortagga Cudurrada Mareykanka waxay sheegeen in ay diiwaangeliyeen 181,801 xaaladood bukaanno ah iyo 1,364 kiis dhimasho ah badankoodna waxaa lagasoo diiwaangeliyay 24 gobol oo katirsan Mareykanka.



Wararka ayaa intaas ku daraya in tirada guud ee dadka Carona ugu dhintay dalka Mareykanka ay aad ukorortay ayna kor udhaaftay 243,580 oo ruux.

Mareykanka ayaa wali hoggaanka uhaya dalka koowaad ee ugu dhimashada iyo bukaanada badan carona caalami ahaan.

Related Items