Weerar 34 qof lagu dilay oo ka dhacay galbeedka Itoobiya.

Sunday November 15, 2020 - 16:22:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 34 qof lagu dilay oo ka dhacay galbeedka Itoobiya.

    Wadanka Itoobiya waxaa wali kasii socda weerarada dhiigga faraha badan ku daadinayay ee ay isku geysanayaan dadka Xabashida ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Itoobiya waxaa wali kasii socda weerarada dhiigga faraha badan ku daadinayay ee ay isku geysanayaan dadka Xabashida ah.


Wararka ka imaanaya gobolka Benishangul ee dhaca galbeedka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 34 qof ay dhinteen tira kalane ay dhaawacmeen kadib markii dablay hubaysan ay weerareen gaari Bas ah.

Goob joogayaal ayaa usheegay wakaaladaha wararka in maleeshiyaad aad u hubaysan ay gaariga hub culus ladhaceen arrinkaas oo sababay in gabi ahaanba uu gubto gaariga ayna dhimasho iyo dhaawac noqdaan dadkii la socday.

Hay'adda Xuquuqul Insaanka Itoobiya ee taabacsan xukuumadda Addis Ababa ayaa xaqiijisay xasuuqan ka dhacay gobolka Benishangul balse ma caddeyn cidda mas'uulka ka ah weerarkan.


Xasuuqan cusub ayaa kusoo aadaya xilli dagaallo culus ay ka holcayaan gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga wadanka Itoobiya islamarkaana xuduudaha laleh Suudaan iyo Ereteriya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items