Mid kamida Mas'uuliyiinta ugu sarreeya nidaamka Suuriya oo geeriyooday.

Monday November 16, 2020 - 11:23:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamida Mas'uuliyiinta ugu sarreeya nidaamka Suuriya oo geeriyooday.

    Waxaa si lama filaan ah u geeriyooday mid kamida tiirarkii uu ku taagnaa nidaamka Nuseyriga bishaar al-asad ee ka jira wadanka suuriya oo dhaca mandqadda shaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si lama filaan ah u geeriyooday mid kamida tiirarkii uu ku taagnaa nidaamka Nuseyriga bishaar al-asad ee ka jira wadanka suuriya oo dhaca mandqadda shaam.


Wasiirkii arrimaha dibadda Walid al-Mucllim ayaa geeriyooday subaxnimadii Isniinta hore ee isniinta sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxa Golaha Wasiirada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaana warkaas faafisay warbaahinta rasmiga ah ee nidaamka Suuriya.

Waliid Macallinka oo 79 jir ahaa wuxuu isku ahaa ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta iyo Raiisul Wasaare Ku-xigeenka wadanka.

Al-Mucallim, oo ah diblomaasi khibrad dheer u leh difaacidda nidaamka dhiigyacabka Al Asad wuxuu ku soo biiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda sanadkii 1964 wuxuuna jagadii ugu weyn ee diblumaasiyadeed ka bilaabay danjiraha Dimishiq ee magaalada Washington intii u dhaxeysay 1990 iyo 1999, wuxuu ka qeyb galay wadaxaajoodyadii lala galay maamulka Yahuudda sanadihii 1990-kii ee ku saabsanaa waxa loogu yeero heshiisyadii nabadeed,



Wasiirkan halaagsamay ayaa caan ku ahaa taageerada uu uhayay qoyska Nuseyriga Aala asad ee gummeysiga ku haysta muslimiinta falasdiin, sanaddii 2011 markii ay wadanka ka bilaawdeen kacdoonnadii shacbiga ahaa ayuu caalamka ka gadi jiray in ciidama al-asad ay ladagaallamayaan wax uu ugu yeeray argagaxiso.

wuxuu ahaa dabadhilif wadashaqeyn wanaagsan lalahaa Yahuudda,Iiraan iyo Ruushka isagoo aad ugu dhowaa bishaar al-asad, dhimashadiisa ayaa timid kadib markii wadnaha laga qabtay

Related Items