Saameyn intee le'eg ayuu dagaalka Itoobiya ku yeelan karaa Geeska Afrika [Warbixin] .

Monday November 16, 2020 - 12:12:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameyn intee le'eg ayuu dagaalka Itoobiya ku yeelan karaa Geeska Afrika [Warbixin] .

    Ra'iisulwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, 4tii Nofembar go'aankiisii ahaa in ciidamo federaal ah loo diro gobolka Tigreega ee Waqooyiga dalkaas ayaa u'eg mid argagax iyo qasba ku beeray gobolka Geeska Afrika iyo meelo ka baxsan gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisulwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, 4tii Nofembar go'aankiisii ahaa in ciidamo federaal ah loo diro gobolka Tigreega ee Waqooyiga dalkaas ayaa u'eg mid argagax iyo qasba ku beeray gobolka Geeska Afrika iyo meelo ka baxsan gobolka. Qowmiyadaha ku dhaqan dalkaas ayaa tiro ahaan lagu sheegaa in ay yihiin 110 milyan oo aan ahayn ummada ay ka dhexeyso dhaqan, Af iyo diinba, waana dalka labaad ee ugu weyn qaaradda Afrika,


marka laga reebo dalka Nayjeeriya oo lagu tilmaamo in ay kor u dhaafayaan 200 malyuun, waxayna Itoobiya xuduud beenaadyo la leedahay ilaa lix dal oo kale oo Afrikaan ah oo dhaca Geeska iyo Bariga Afrika. Xasilloonidarrada daba dheeraatay iyo baahiyaha bani'aadamnimo ee ba'an ayaa ku baahsan Itoobiya oo dhan.

Colaad muddo dheer socotaa oo u dhexeysa dhinacyada sida aadka ah u hubaysan ee ku sugan gudaha Itoobiya ayaa boqolaal kun oo qaxooti ah sababi karta in ay xuduudaha ka tallaabaan, waxayna carqaladeyn kartaa waddooyinka ganacsiga, waxa kale oo ay ku qasbi kartaa Addis Ababa in ay ka tanaasusho doorka siyaasadeed, kan amni iyo dhexdhexaadnimo ee ay ku leedahay gobolka Geeska iyo kan Bariba . Taasi waxa ay noqoneysaa xaalad cabsi leh oo ka dhalan karta dal aan lahayn adeeg baahiyo dhammaaystiran in uu la tacaalo dad lagu qiyaaso hal malyan oo la saadaalinayo in ay qaxi karaan.


Waxa taa ka daran hanjabaadaha xasillooni darrada ee ka soo yeeraya dalka dariska la ah Itoobiya ee Suudaan, taas oo laba maalmood ka dib markii dagaalku bilaabmay ku dhawaaqay in la xirayo qaybo ka mid ah xadka bariga ee ay la wadaagto Itoobiya, waxaana la sheegay in ay bilaabeen in ay dejiyaan in ka badan lix kun oo ka mid ah ciidamadooda gudaha gobolka Gedaraf, oo xuduud la leh is maamulka Tigray. Wararka lagu kalsoonaan karo ee laga helayo gudaha Suudaan ayaa sheegaya in culeyska badan uu soo fuulay ganacsiga jidgooyanna lagu sameeyey darawallada gawaarida xamuulka ee dhanka Tigreega u gudbaya ayaa laga hor istaagayaa in ay rarka keenaan Suudaan iyada oo laga baqayo in maamulka federaalka ee Addis ay arinkaan u arkaan kaalmo loo fidinayo iska caabbinta Tigreega.

Horraantii todobaadkan, gawaaridii ugu horreeyey ee sida qaxooti Itoobiyaan ah waxa ay bilaabeen in ay u gudbaan gobolka Gedaraf ee dhanka Suudaan, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah, waxaana la dejin doonaa kuwa ugu horreeya xerooyin badan oo qaxooti cusub oo loo diyaarinayo in ay qaabbilaan dadka ka soo cararaya dagaallada ka socda Tigray. Waxa iyana jirtay in shixnado hub iyo rasaas ah oo ku wajahnaa ciidammada Tigreega in la joojiyay iyaga oo ka ambabaxay Suudaan, taas oo keeni qarax iyo ismaandhaaf hor leh in ay ka dhacaan gudaha Suudaan.

Gobollada bariga fog ee Suudaan waxa ay markii horeba ka jiray rabshado sii kordhaya oo salka ku haye qowmiyado iyo maleeshiyo ay hoggaaminayaan bilihii la soo dhaafay, waxa ayna xitaa la dagaallameen xoogaggii ku sugnaa dhinaca xadka ee Itoobiya.

Haddii Suudaan ay leedahay meel jilicsan oo laga soo geli karo ayaa ah tan hadda muuqata. Hub aad u tiro badan, dagaalyahanno iyo qaxooti ku sii qulqulaya aaga ayaa si fiican u muujin kara xiisado cusub oo ku furma dawladda ku meelgaarka ah ee Suudaan, taas oo horeyba loo xaqiijiyey in aysan u diyaarsanayn in ay wax ka qabato. Inkasta oo labada dhinacba, Itoobiya iyo Tigree, uusan midkoodna u muuqan in uu diyaar u yahay dhexdhexaadin laga sameeyo dhexdooda, haddana Suudaan waxa ay isku dayeysaa in ay door ka ciyaaraan haddii ay jiri karto fursad lagu dhexdhexaadiyo.

Ra’iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuk, waxa uu heystaa dammaanad siyaasadeed oo la sheegay in laga saarayo liiska waxa loogu yeero kafaala qaadayaasha Argagixisada oo ah haruub lagu maalo dal kasta oo ka hor yimaada danaha Maraykanaka ee dunida, waana mid u muuqata in ay ka faa’iideysanayso taageerada cusub ee ka timid jilayaasha dowladaha Khaliijka ee ansixiyay heshiiskii dhawaanta ee Suudaan ee ahaa isu soo dhawaanshaha Israel. Maaddaama uu hadda yahay Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD oo ah urur magac mooye aan muuq iyo waxtar u taagnayn, Itoobiyana daabka hayso. Intaa waxaa dheer, Suudaan oo qayb ka ah wadaxaajoodyada socda ee ku saabsan biyoxireenka Grand Renaissance Ethiopia, isla markaana keyd muhiim u ah wadahadallada u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, Xamduuk waxa uu horeyba kalsooni ugu qabay baadigoobka in uu helo aragti mideysan oo ku saabsan xuddunta danaha amniga Itoobiya.

Saameyn yar kuma yeelan karto cawaaqibka ka dhalan kara dagaal u dhaxeeya dawladda federaalka ah ee Itoobiya iyo kooxda TPLF, oo aan lahay hannaan siyaasadeed oo lagu caawin kara maaddaama ay yihiin qayb ka mid ah dawladwadaagga Itoobiya laakiin aan lahayn mansab muhiim ah oo lagaga caawin karo dhinaca siyaasada.

Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, oo labaduba dalal aan tabar badan lahayn, daggaallo sokeeyana ay saameeyeen ayaa iyana laga yaabaa in ay ku jabaan Qaxooti aan tiro lahayn haddii dagaalka Itoobiya uu ku fido bariga iyo bartamaha Itoobiya. Labadan dal midkoodna diyaar uma aha inay qaabilaa boqolaal kun oo ka soo yaaca dagaalka Itoobiya.

Labadan dal ee Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan waxa amnigoodu ku tiirsan yahay ciidammada ka socad Itoobiya ee ku jooga magaca AMISOM ee beenta ah waxa ayna dalka u soo galeen in ay cabburiyaan oo la daggaalamaan dagaalyahannada Islaamiyiinta ee Al-shabaab oo doonaya in ay dalka ku soo rogaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka, taas oo Itoobiya iyo reer Galbeedka taageera aysan marna u cuntamayn Toddobaadkii la soo dhaafay ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya ka baxay ayaa lagu qiyaasay ku dhowaad lix boqol oo ka mid ah ciidammadii ay Itoobiya geysay gobolka ku teedsan xad beenaadka ay Soomaaliya la leedahay, waxaana la filayaa haddii dagaalku sii daba dheeraado in ay ay bixi doonaan dhammaan ciidammada Soomaaliya ka jooga.

Inkasta oo lagu soo waramayo in lagu beddelayo cutubyo ka tirsan kuwa Afsoomaaliga ku hadla ee ka mid ah booliska Itoobiya, haddana warbixin ay soo saartay hay’adda nabadsugidda ee Qaramada Midoobay oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka digtay in "dib u dejintan laga samaynayo meel u dhow xadka ay la wadaagto Soomaaliya ay ka dhigeyso aaggaas mid u nugul khataraha suurtagalka ah ee Al Shabaab,” oo aan marnaba oggolaan karin waxa loogu yeero dawladda hadda Soomaaliya ka jirta.

Arrintan oo saameynteeda leh ayaa khuburada u dhuun daloosha arrimaha amniga iyo siyaasadda ee Geeska Afrika ku tilmaamay fursad dahabi ah oo soo martay Al-shabaab, maddaama aysan jirin xoog u dhigam ciidammada Itoobiya oo caabbin kara.

Siyaasadda Abiy iyo Itoobiya oo aan ahayn mid ku dhisan degganaan iyo ka fiirsasho faan iyo caga juglayn mooyee ayaa si dhakhso leh u baabi’in kartaa dadaallada caalamiga ah ee sanadaha badan soo jiitamayey si amniga iyo xasilloonida loogu soo celiyo Itoobiya oo muddada dheer la naas nuujin jiray, balse hadda u muuqata mid ka dhacayso haadaan aan dib looga soo laaban karin.

Waa la hubaa in arrintani ugaga sii dari doonto xaaladda haddii dagaalka u dhexeeya kooxda TPLF iyo ciidamada dawladda Itoobiya uu sii dheeraado, waana mid ku baahi kara dalka Itoobiya oo dhan marka loo eego hanjabaadda iyo caga jugalaynta Abiy.

Joogitaanka amni ee Itoobiya ku dhex leedahay dalalka loo diray ciidammadeeda ayaa dunidu ku siisaa adduunyo aad u badan maaddaama ay tahay midda iyadu fulisa, una taagan danaha Maraykanka iyo inta la naas nuugta ee ah reer Galbeedka.

Waxa aan shaki badan ku jirin in dagaalka ka curtay Itoobiya, weliba labadii qolo oo isu bedbeddeli jiray xukunka dalkaas, isku qoyskana ahaa uu jilbaha u dhigi doono wixii la oran jiray Itoobiya ee muddo ku siman 200 sano naasnuujinta diimeed lagu hayey maaddaama labadaba ay u badan yihiin Nasaaro ay ilaaliyaan kaniisadaha reer Galbeedka iyo kuwa Bariga ee Orthodoxka.

W/Q  Dr.Suldaan Garyare

Related Items