Ciidamada AMISOM oo qarax lagula beegsaday degmada Kaaraan.

Wednesday November 18, 2020 - 09:37:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM oo qarax lagula beegsaday degmada Kaaraan.

    Kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa qarax aad uxooggan lagula beegsaday mid kamida xaafadaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa qarax aad uxooggan lagula beegsaday mid kamida xaafadaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Jugta qarax xooggan ayaa saaka aroortii laga maqlay xaafadda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan, dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay gaari gaashaaman oo kamid ahaa kolonyada ciidamada shisheeye.

Qaraxu wuxuu si gaar ah uga dhacay inta udhaxaysa isgoyska Fagax iyo halka loo yaqaan Masjidka Turkiga, dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa kadib ay ciidamada shisheeye rasaas oodda uga qaadeen goob ay dad shacab ah ku sugnaayeen.


Ciidamada AMISOM ayaa la arkayay iyagoo rasaasta ka dhacda qoryaha Dabajeexa iyo Dhashiikaha ku garaacaya dadka shacabka ah waxaana lasoo sheegayaa khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items