Muslimiinta Pakistan oo Xukuumadda Islamabad ku qasbay in ay Cayriso Safiirka Faransiiska.

Wednesday November 18, 2020 - 13:33:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muslimiinta Pakistan oo Xukuumadda Islamabad ku qasbay in ay Cayriso Safiirka Faransiiska.

    Kadib isbuucyo ay socdeen dibad baxyo waaweyn oo muslimiintu ay ku difaacayeen Nabiga SCW ayna ugasoo horjeedeen dowladda saliibiyadda Faransiiska ayay ugu dambeyn dowladda Pakistan ogolaatayn in ay erido safiirka faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib isbuucyo ay socdeen dibad baxyo waaweyn oo muslimiintu ay ku difaacayeen Nabiga SCW ayna ugasoo horjeedeen dowladda saliibiyadda Faransiiska ayay ugu dambeyn dowladda Pakistan ogolaatayn in ay erido safiirka faransiiska.



Magaalada Islamabad ee caasimadda Pakistan waxaa heshiis ku kala saxiixday hoggaamiyaasha muslimiinta ee dhigayay dibad baxyada ka dhanka ah Faransiiska iyo xukuumadda dabadhilifka ee uu madaxda ka yahay Camraan Khaan.

Qodobada heshiiska waxaa kamid ah in dowladda Pakisan ay cayriso safiirka Faransiiska taas bedelkeedna ay dadka dibad baxyada dhigaya ay joojiyaan iskusoo baxyadooda oo ay ka kala dareeraan fagaarayaasha iskusoo baxyada.



Safiir cayrintu waxay dhacaysaa sedax bilood gudahood ama laba bilood gudahood, sidoo kale qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ah in dowladda Pakistan aysan mar dambe safiir udirsan dhanka dalka Faransiiska islamarkaana ay mamnuuc ka dhigto badeecadaha uu soo saaro faransiiska kuwaas oo aan dalka Pakistan lasoo gelin doonin.

Xukuumadda Islamabad ayaa ogolaatay in ay u hoggaansato heshiiska ay lagashay hoggaamiyaasha muslimiinta waxayna xabsiyada kasii daysay tobanaan maxaabiis ah oo gacanta lagu dhigay intii ay dibad baxyada ballaaran ka socdeen gudaha wadankaasi.

Heshiiskan waxaa wada saxiixay Xarakada Labeyka Yaa Rasuulalllaah iyo xukuumadda Pakistan, arrimahan waxay yimideen kadib markii Axaddii lasoo dhaafay ay muslimiinta diinkooda uqiirooday lawareegeen fagaaraha iyo isgoyska Feyd Abaad ee dhaca bartamaha magaalada Islamabad arrinkaas oo sababay in uu istaago dhammaan dhaq dhaqaaqii ganacsi ee magaalada iyo isku socodka gaadiidka.

Ololaha lagu qaadacayo badeecadaha Faransiiska ee caalamka islaamka ka dhaqan galay ayaa sababay khasaaro balaayiin dollar ah oo gaaray shirkadaha ganacsiga waaweyn ee wadankaasi.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa aflagaadadii uu ugeystay Nabiga SCW waxay dhalisay in muslimiin badan ay hurdada kasoo hambaabiraan ayna ogaadaan xaqdiga ay gaaladu u qabaan islaamka iyo ehelkiisa

Related Items