Askar iyo Saraakiil Tigree ah oo lagu xiray Koonfurta Soomaaliya.

Wednesday November 18, 2020 - 17:49:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar iyo Saraakiil Tigree ah oo lagu xiray Koonfurta Soomaaliya.

    Hardanka udhaxeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega ee ka holcaya dalka Itoobiya ayaa saameyn xun ku reebay ciidanka melleteriga Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gobolka Tigray waxaa ka socda dagaal culus
Hardanka udhaxeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega ee ka holcaya dalka Itoobiya ayaa saameyn xun ku reebay ciidanka melleteriga Itoobiya.


Boqolaal askar iyo saraakiil Xabashi ah balse kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega ayaa lagu xiray gudaha dalka Soomaaliya.

Wakaaladda wararka reuters oo soo xiganaysa ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa faafisay warbixin ay ku xaqiijinayso in saldhigyo ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Soomaaliya lagu xiray 200 ilaa 300 oo askari Tigree ah.

Ciidamadan ayaa hub ka dhigis lagu sameeyay kadibna iyagoo jeebaysan ayaa Konteenarro lagu xiray, saraakiisha laxiray waxaa kamid ah taliye ku xigeenkii ciidamada Itoobiya ee gobollada Bay,Bakool iyo Gedo.


Warbixintu waxay sheegaysaa in ciidamada Itoobiya ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya uu saameyn xun ku reebay dagaalka ahliga ah ee ka dhax qarxay TPLF iyo melleteriga Itoobiya oo ubadan qowmiyadda Xabashida.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dowladda Itoobiya ay kumanaan katirsan ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay labaxday ayna udaad guraysay dhanka jiidda dagaalka ee gobolka Tigray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items