Ciraaq iyo Aala Sacuud oo dib ufuray Marin xuduudeedka udhaxeeya.

Thursday November 19, 2020 - 09:13:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciraaq iyo Aala Sacuud oo dib ufuray Marin xuduudeedka udhaxeeya.

    Maamulka Aala Sacuud iyo dowladda Shiicada Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah saacado kadib markii dib loo furay marin xuduudeedka labadaas dowladood kala qeybiyo oo xirnaa waxkabadan 30 sanadood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Aala Sacuud iyo dowladda Shiicada Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah saacado kadib markii dib loo furay marin xuduudeedka labadaas dowladood kala qeybiyo oo xirnaa waxkabadan 30 sanadood.


Munaasabad ka dhacday xuduud beenaadka ayaa dib loogu furay  marinka Carcar kaasi oo xirnaa wax ka badan 30 sano.  isweydaarsi dhanka ganacsiga iyo macluumaadka dhanka amniga ah ayay ku heshiiyeen Aala sacuud iyo xukuumadda Shiicadu ku badantahay ee kajirta wadanka Ciraaq.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay taliskii Saddam Xuseen kadib duulaankii uu ku qaaday dalka Kuweyt 1990kii balse xiriirka dhinacyadan ayaa dib usoo noqday sanadkii 2017 balse xiriirkaas ayaan gaarsiisnayn in dhinacyadu isku furaan xuduud beenaadyada illaa shalay oo ay fureen macbarka kaliya ee isku xira.



Wufuud isugu jiray guddoomiyayaal gobol, saraakiil sirdoon iyo wasiirro ayay labada dhinac isdhaafsadeen, iskaashiyada dhaxmaraya Aala sacuud iyo Shiicada Ciraaq waxaa kamid ah arrimaha horumarinta beeraha,ganacsiga, warshadaha iyo iskaashiga amniga sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo kasoo baxay labada dowladood.

Wadanka Ciraaq waxaa awood siyaasadeed iyo mid melleteri ku leh iiraan oo xurguf siyaasadeed ay kala dhaxayso Sacuudiga iyo xulufadiisa waxaana lays weydiinayaa sida xukuumadda Baqdaad ay isugu wadi karto labadaan dowladeed ee isdiiddan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items