Qarax khasaare dhaliyay oo ciidamada dowlada lagula beegsaday deegaanka Lafoole.

Thursday November 19, 2020 - 10:18:15 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax khasaare dhaliyay oo ciidamada dowlada lagula beegsaday deegaanka Lafoole.

    Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan dhaca galbeedka Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan dhaca galbeedka Muqdisho.


Dad ku sugan deegaanka Lafoole ayaa sheegay in maanta barqadii ay maqleen jugta qarax aad uxooggan.

Ugu yaraan 2 askari ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax miino lagu beegsaday bar koontarool oo ciidamada dowladdu ay gaadiidka dadweynaha lacago uga qaadayeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa kadib ay goobta soo gaareen ciidamo farabadan oo ka yimid dhanka deegaanka Ceelasha Biyaha waxayna daabuleen meydad iyo dhaawacyo.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan ka dhacay deegaanka Lafoole sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items