Sarkaal katirsanaa Melleteriga Kenya oo lagu dilay gobolka Jubbada Hoose.

Thursday November 19, 2020 - 10:19:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsanaa Melleteriga Kenya oo lagu dilay gobolka Jubbada Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada gummeysiga Kenya ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore meydadka ciidanka Kenya oo Kismaayo lageeyay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada gummeysiga Kenya ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.


Sarkaal sare oo katirsan ciidanka melleteriga Kenya ee (KDF) ayaa ku dhintay weerar gaadma ah oo jihaadiyiinta Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Qooqaani ee hoostaga degmada Afmadoow.

Sida wararku sheegayaan sarkaalka ayaa dhintay kadib markii uu aad ucuslaaday weerar lagu qaaday saldhigga ciidanka Kenya ee Qooqaani, dagaalyahannada Al Shabaab ayaa gudaha ugalay deegaanka halkaas oo muddo saacada ah ay ka dagaallamayeen.


Diyaarad dagaal oo kasoo kacday garoonka degmada Dhoobleey ayaa ku degtay saldhigga Qooqaani halkaas oo ay ka qaadday meydka sarkaalka iyo askartii ku dhaawacantay weerarkii Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items