Askar Itoobiyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay Qansaxdheere.

Thursday November 19, 2020 - 10:23:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Askar Itoobiyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay Qansaxdheere.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lagu beegsaday ciidamo katirsanaa Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lagu beegsaday ciidamo katirsanaa Xabashida Itoobiya.


Iska hor'imaad aad u xooggan oo maanta barqadii ka dhacay gudaha degmada Qansaxdheere ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray ciidamada Itoobiya.

Qarax miino oo lala helay ciidamada Itoobiya ayaa sababay in uu gubto gaari Uuraal ah oo ay la socdeen ciidamada Xabashida, wariye ku sugan gobolka Baay ayaa soo sheegay in ugu yaraan 2 askari Itoobiyaan ah ay ku dhinteen dagaalka.


Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa la arkayay iyagoo gudaha Qansaxdheere ka dagaallamaya gaar ahaan meel ku dhow saldhigga ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi, gaariga ku gubtay qaraxa ayaa ahaa Uuraal ay saarneed booyad.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items