Video: Xasan Cali Kheyre oo ka digay in wax lamid dagaalka ka socda Itoobiya uu ka dhax qarxo dowladda Farmaajo iyo Mucaaradka.

Saturday November 21, 2020 - 11:04:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Xasan Cali Kheyre oo ka digay in wax lamid dagaalka ka socda Itoobiya uu ka dhax qarxo dowladda Farmaajo iyo Mucaaradka.

    Khilaafka siyaasadeed ee udhaxeeya dowladda Farmaajo iyo siyaasiyiinta xil doonka ayaa gaaray meeshiisi ugu sarraysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka siyaasadeed ee udhaxeeya dowladda Farmaajo iyo siyaasiyiinta xil doonka ayaa gaaray meeshiisi ugu sarraysay.


Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horraysay si toos ah udhaleeceeyay hanaanka doorashooyinka ay umaaraynayso Villa Somalia tan iyo markii shaqada laga ertay.

Kheyre ayaa shir jaraa'id oo uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay in haddii aan lagu heshiin hanaan doorasho ay Soomaaliya ka dhici doonaan wax lamid ah waxa ka socda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

R/wasaarihii hore ee dowladda Federaalka ayaa carrabaabay in colaadda ka taagan dalka Itoobiya ay salka ku hayso doorasho lamarin habaabiyay isagoona si duurxul ah u dhaleecaynayay hanaanka doorashada ee dowladda Farmaajo ay qaadday.


Wuxuu aad udhaliilay guddiga doorashooyinka ee dhawaan ay magacaawday dowladda Federaalka islamarkaana uu ansixiyay baarlamaanka.

dhinaca kale Xasan Cali Kheyre ayaa isbahaysi siyaasadeed lasameystay hoggaamiyaal mucaarad ah oo ay kamid yihiin Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Gurguurte.

Related Items