Ciidamada Itoobiya oo lawareegay gacan ku haynta magaalooyin katirsan gobolka Tigray.

Saturday November 21, 2020 - 11:53:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo lawareegay gacan ku haynta magaalooyin katirsan gobolka Tigray.

    Dagaalka ka socda wadanka Itoobiya oo galay maalintii 19aad oo xiriir ah ayaa geysanaya khasaare lixaad leh oo soo gala gaaraya dhinacyada hardamaya iyo shacabka rayidka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka ka socda wadanka Itoobiya oo galay maalintii 19aad oo xiriir ah ayaa geysanaya khasaare lixaad leh oo soo gala gaaraya dhinacyada hardamaya iyo shacabka rayidka ah.


Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Abiy Axmed ay si buuxa ula wareegeen magaalooyin dhowr ah oo dhaca gobolka Tigray ee waqooyiga wadankaasi.

Afhayeen u halday ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadoodu ay maleeshiyaadka TPLF kala wareegeen magaalooyinka kala ah Axum iyo Adwa oo dhammaantood ah dhul buuralay ah.

Saraakiisha TPLF ayaa ku eedeeyay ciidamada Abiy Axmed in ay geysanayaan duqeymo bahalnimo oo aan kala sooc laheyn.


Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Maqalla ee caasimadda u ah ismaamulka Tigreega ayaa sheegaya in halkaas laga hirgeliyay Isgaarsiin gaar u ah dadka Tigreega.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka deegaanka ay isticmaalayaan Taleefanada gacanta iyo kuwa xarkaha oo kamadax banaan Itoobiya inteeda kale, arrintan waxay timid kadib markii xukuumadda Abiy ay dhammaan war isgaarsiinta ka jartay gobolka.

Dad ku dhow 70,000 oo ruux Itoobiyaan ah ayaa la sheegay in ay ku barakaceen dagaalka ayna ka tallaabeen xadka Suudaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items