GABAYGA DAAMAN BEEL OO BURBURKA ITOOBIYA KU SAABSAN.

Saturday November 21, 2020 - 18:58:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GABAYGA DAAMAN BEEL OO BURBURKA ITOOBIYA KU SAABSAN.

    Wariye Cabdullaahi Yaasiin Jaamac oo kamid ah suugaanlayda Soomaaliyeed ayaa tiriyay gabay uu diiradda ku saarayo isdilka udhaxeeya Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Cabdullaahi Yaasiin Jaamac oo kamid ah suugaanlayda Soomaaliyeed ayaa tiriyay gabay uu diiradda ku saarayo isdilka udhaxeeya Xabashida Itoobiya.

 Hoos ka akhri Gabayga


darmaankeeda maansada rag baan daayin waaligoode,
oo dushii ku joogoo hadba dhan u duwaayaaye,
anse waxaan daneeyaa koleey xaajo dagataaye,
dammaniyo dabaal iyo doqonu wayska dalambaabe,
daaca qurunka mooyee xigmado waa ka didayaane,
dadnimiyo damiir iyo intii dux miisaanle,
aayuumba dabuubaha fahmiyo hadal dubaaxeede,
maantana waxaan doonayaa duul wax garanaa'e,


Taaariikh baan u daabaca hayaa duug an noqoneyne,
diiwankiyo waraaqaha iyo kii cod lagu duubo,
ha diyaarsadeen waa inaan dininigeeyaaye.

cuqdadaha daruuraha mariyo daanadiyo ciilka,
dacaltuur wajuuh kala dadboon la is damoo waaga,
dumbukh iyo rasasaha badan duud ku raradkooda,
dulqaad la'i dareen culus iyo doodin iyo goodin,
kala durugga diidmada qayaxan daah ka rogideeda,
intaasoo isku duubaano ul iyo diirkeeda,
nacabkaa haday kala duwaan waa dawiyo guule,
laba gaal haddii ay is dili waa mid kuu danahe,
doxorbaaase moogoo caqligi dooni laga saaray.

dulmaraas waa hogustiyo duur xul iyo baaqe,
degmadiyo halkaan damacsanaa waan dul tegayaaaye,
Naxligii dambeedada fidshee dunida aafeeya,
Nabsigii daboola jiree daarka lagu xoojay,
mar umbuu dilaacaa sidii nabar dahaaraa'e
wuxuuna ugu daran yahayoo dib u dhacweyn geysan,
marki qoladi daadihinayay dab isu qaataane,

dambarsiga dacartiyo sunta deeq ka dhigadkeeda,
dikaankiyo dayaysnaanta iyo daalka iyo huufka,
dabka iyo dabeylaha kiciyo doodda iyo buuqa,
digta iyo damta iyo madafac daaf waliba gaaray,
diyaaradaha heehaabayee danabka tuuraaye,
Meydka daadsan, duunyada ba'diyo duulankiyo waawda,
hilbaha daleel yaalla ee duugis heli waayay,
ee dukuhu dilifaajiyee ay dafadu boobi,
diban daabyada daran iyo daqayga naafoobay,
baraakaca duureereen heleyn daafi iyo rooti,
ee dalkoodi dhaafee ku kale dewersiguu jooga,
Daltabyada haleeshiyo durba diif la hogadkooda,
daruufaha ku meegaaran weliba diihaalka,
itoobiya dagaalada dhexdeed doorkaan ka hilaacay,
Diin iyo nin iimaan lahuu waa ku diirsadaye,
ha yeshee intii daalimuu waw damqanayaane,
daba dhilifka soomaaliduna wawgu daran yiine,

Dembi iyo ninkii eed galee dacadi weyn geysta,
Muslinimimana diidiyo inuu diinta dhab u qaato,
oo Islaamka duulaan ku ah kuna dugaagoobay,
isku doon ma saarin Allaah howga sii daro'e,
cadaw kuu darraa jiray hadduu cudurku soo duubo,
ama uu isdooxoo wadnaa gooyo dacalkiisa,
digashiyo dabaal deggidu waa lagama daahaane,
damaashaad inta loo baxaa lana duceystaaye,
qayaanada duulkii wediyo dumanta soomaali,
dandaradana geysana hayee degel naafeeyay,
afrikada docdeedaan bari nimanki daaduunshay,
ee dagaaga ceyrsanayahee Duurka ku eryooda,
ee daga ka dhaarshiyo inuu doon u soo haraba,
masarna u doolaalaali rabay iyo duleedkeeda,
oo kol in ay duleedsheenu ay duunka uga taalo,
suudaana damac uga jiray dooray noqotaaba,
dabinkey malegeen ayay dalaq yiraahdeene,
daafuley amxaariyo tigree ways daldelaayaane,
isku duubnidoodi duntoo kala dawaafeene,
waana damal jiriddii ruqdoo sii daryamayaaye,
ama dogob webi duulayaa daba rogaayaaye,
isku daaman beelkoodu waa Aniga dooqey'e,
sida deben baawaaqaa anoo dalab ku heesaaye,
oo dahan ku foofshiyo dhulaan duunyo kala joogin,
oo duhurki doobtuu cushoo dararka soo maaalay,
farxadeydu waa daranta an geliyay diiwaane,
war dayooy sidaan doonayaa laysi dilayaaye!,
wardooyay makhallaa dumee lana duqeeyaaye!
wardayooy deg dhaw moogiye daaya laga waaye,
war dayooy dalluumaa baxaan dawanahaayaye!
wardayooy durduradi biyaa daamur lagu owde!
war dooyay waxa dhiig da'ee daawga ku hagaaga,
wardayooy sida daadkiyuu doox u marayaaye!
wardayooy waxa duuf baxee diilima u yeelay!
war dayooy dibna saar iyo deeq la cuna waaye!
war dayooy dabaabaadku ways dab marayaaaye!
War dayooy nabad diidiyo dib heshiisiine!
war dayooy dulleey qaayibeen labada daaroode!

Halkan ka degso gabayga MP3

ama hoos ka dhageyso gabayga oo Maqal ah

Related Items