Midowga Musharixiinta oo digniin kasoo saaray hanaanka uu Farmaajo umaamulayo Doorashooyinka.

Saturday November 21, 2020 - 19:02:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharixiinta oo digniin kasoo saaray hanaanka uu Farmaajo umaamulayo Doorashooyinka.

    Cadaadis siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa ku bilaawday dowladda uu madaxda ka yahay Max'med Cabdullaahi Farmaajo ee kajirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadaadis siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa ku bilaawday dowladda uu madaxda ka yahay Max'med Cabdullaahi Farmaajo ee kajirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Kulan aad uballaaran oo ay yeesheen dhammaan musharixiinta utaagan xilka madaxweynaha dowladda Federaalka ayay si kulul ugu dhaleeceeyeen hanaanka uu Farmaajo umaamulay guddiga doorashada.

Warmurtiyeed ay kulanka kasoo saareen ayay ku sheegeen in marxalad halis ah uu geli doono dalka haddii aan wax laga bedelin guddigada doorashada sida ay hadalka udhigeen.

Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay midowga Musharixiinta kulan yeeshay ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan khaladaadka ay gelayso dowladda Federaalka.


"Waan isu nimid, culees jiro dartii Ayaan isugu nimid, waan arinsanay, waa is cafinay, waan go’aan sannay arinkaan inaan wax ka qabano, waan awoodnaa inaan wax ka qabano, shirkaan intuu socdo markaata briefing ayaan idin siin doonnaa, tashiyo ayaan wadnaa waajibaad ayaan kala qaadanay xaaladuhu wey soconayaan baaqeenu waa nabad”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Midowga Musharixiinta.

Siyaasiyiinta kulanka yeeshay waxaa kamid ahaa Xasan Cali Kheyre, Shariif Sheekh Axmed, Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur iyo kuwa kale oo dhammaantood mucaaradsan siyaasada Farmaajo.

Qeylladhaanta katimid siyaasiyiinta xildoonka ah ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan ay xukuumadda Federaalka soo magacaawday xubnaha guddiga doorashooyinka oo ay ubadanyihiin shaqaalaha madaxtooyada iyo sirdoonka NISA.

Related Items