Al Qaacidada Maqribul Islaami oo yeelatay Amiir cusub.

Sunday November 22, 2020 - 07:59:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Qaacidada Maqribul Islaami oo yeelatay Amiir cusub.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Hoggaanka Ururka Al Qaacidda ee Maqribul Islaami ayuu ku iclaamiyay in uu doortay Amiir cusub oo hoggaamin doona Jihaadka mandiqadda kadib markii uu shahiiday amiirkii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Hoggaanka Ururka Al Qaacidda ee Maqribul Islaami ayuu ku iclaamiyay in uu doortay Amiir cusub oo hoggaamin doona Jihaadka mandiqadda kadib markii uu shahiiday amiirkii hore.


Mu'asasada Al Andalus oo ah garabka warbaahineed ee Al Qaacidada Maqribul Islaami ayaa baahisay kalimad uu jeedinayo Sheekh Abuu Quteybah Alshanqiidi wuxuuna kalimaddiisa ku iclaaminayaa in amiirka cusub ee  loo doortay Sheekh Abuu Cubeyda Yuusuf Al Cannaabi oo horay u ahaa madaxii golaha Nuqabada.

Kadib kulan ballaaran oo ay yeesheen golayaasha kala duwan ee hoggaanka mujaahidiinta Maqribul Islaami ayay ku go'aamiyeen in amiirka cusub uu noqdo Sheekh Yaziid Bin Baraak oo caan ku ah magaca Abuu Cubeydda Yuusuf Alcannaabi.


Amiirka cusub ayaa safka jihaadka kusoo biiray sanaddii 1413 Hijri waa nin leh aqoon diineed iyo mid maaddi wuxuu ka qalin jebiyay jaamacad kutaal wadanka Al Jazaa'ir isagoo ku takhasusay culuumta dhaqaalaha.

Cajallada muuqaalka ah ee Al Qaacidada Maqrib ay soo saartay ayaa lagusoo bandhigayaa taariikhda dahabiga ah ee Sheekh Abuu Muscab Cabdul Waduud oo bilo ka hor ku shahiiday weerar uu Faransiisku ka fuliyay waqooyiga dalka Maali.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items