Dhaxal sugaha Sacuudiga iyo R/wasaaraha Yahuudda oo kulan yeeshay.

Monday November 23, 2020 - 12:18:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaxal sugaha Sacuudiga iyo R/wasaaraha Yahuudda oo kulan yeeshay.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Yahuudda ayaa lagu sheegay in shalay kulan qarsoodi ah ay yeesheen Dhaxalsugaha dowladda Sacuudiya iyo R/wasaaraha Yahuudda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Yahuudda ayaa lagu sheegay in shalay kulan qarsoodi ah ay yeesheen Dhaxalsugaha dowladda Sacuudiya iyo R/wasaaraha Yahuudda.


Warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Yahuudda ayaa xaqiijisay in Max'med Bin Salmaan uu gudaha Sacuudiga kulan kula yeeshay Bin Yamiin Netenyaahu ayna kawada hadleen sida caadi looga dhigi karo xiriirka labada dhinac.

Raadiyaha iyo telefeshinka Afka Cibriga ku hadla ee maamulka Yahuudda ayaa tafaasiil ka bixiyay kulanka oo uu garwadeen ka ahaa Mike Pompeo wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka.


Xafiiska Netenyaahu ayaa diiday in uu sharraxaad  ka bixiyo warkan ku saabsan kulanka Bin Salaan, wararku waxay sheegayaan in kulanka labada dhinac uu ahaa mid qorshaysan oo aad looga qariyay saxaafadda.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Aala Sacuud wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin caadiyaynta cilaaqaadka Yahuudda balse shardiga ay ku xirayaan ay tahay nabad lalagalo Falasdiiniyiinta.

Wargeyska New York Times ayaa bishii lasoo dhaagay daabacay warbixin uu ku sheegayo in Dowladda Sacuudiga ay xiriir saaxibtinimo lasameysan doonto Yahuudda ka hor inta uusan waqtigu ka dhammaan Donald Trump.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items