Donald Trump ayaa qoraallo uu soo dhigay bartiisa
Twitterka wuxuu ku bogaadiyay dadaallada socda ee ladoonayo in lagu sameeyo
munaasabad xilwareejin ah oo talada uu ku qabanayo Joe Biden musharaxii xisbiga
Jamhuuriga ee ku guulaystay doorashooyinkii dhowaan dhacay.
Joe Biden ayaa isna soo dhowayn ka helay Maamulka Adeegyada Guud ee dalka Mareykanka si uu ubilaabo
uruunqaansigiisa dhanka Aqalka Cad waxyar kadib markii lagu dhawaaqay in uu ku
guuleystey codadka gobolka Michigan.
Maamulka Adeegyada Dadweynaha ee Mareykanka ee GSA oo ah maamul madax bannaan kana
shaqeeya xilal ukala wareejinta mas'uuliyiinta ayaa ku wargaliyay Biden in kala
wareejinta awoodda ay si rasmi ah u bilaaban doonto ka hor inta uusan xafiiska
la wareegin 20-ka Janaayo sanadda 2021.
Shabakadda CNN ayaa soo warisay in madaxa shaqaalaha ee
Aqalka Cad Mark Meadows uu helay nuqul ka mid ah warqadda Biden ee hay'adda GSA
isagoo ku wargelinaya inuu bilaabi karo howlaha kalaguurka.
dhawaqa kasoo yeeray Trump iyo hay'adda GSA ayaa si aad
ah looga hadal hayaa dalka Mareykanka waxaana aad uyaraaday cabsidii laga qabay
in madaxweynaha xilka sii haya ee iska diiday natiijada doorashadii dhowaan
dhacday uu sabab unoqdo khalaase dhaxmara taageerayaasha labada dhinac.
dhinaca kale Golaha Gobolka Michigan oo ka kooban 30 xubnood ayaa ansixiyay guushii Joe Biden ee
doorashadii madaxtinimada ee gobolka kadib kulan qaatay waxka badan saacado badan
waxaana go’aanka taageeray xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga halka mid kalena
uu diiday inuu taageero.
Sida uu qabo xeerka udegsan gobolka Biden wuxuu sidoo helayaa codadka
16-ka guddiyada doorashooyinka, madaxa
Ololaha Trump wuxuu hoos u dhigay
muhiimada ansixinta Michigan isagoo
carabka ku adkeeyay in ansixinta saraakiisha gobolka ee natiijooyinka tirinta
ay tahay kaliya tallaabo haldhinac ah.
Wariyaasha ayaa sheegay in quusta ay muujiyeen Trump
iyo ololihiisa doorashada ay timid kadib markii gacanta dib loogu tiriyay
codadkii laga dhiibtay gobollada Joorjiya,Bansalfeeniya iyo Michigan natiijada
soo baxdayna ay tahay in guushu ay raacday xisbiga dimuquraadiga ah.
sedaxdaan gobol ayaa caan ku ahaa in ay taageera
siiyaan xisbiga jamhuuriga balse sanadkaan ay ku biireen taageerayaasha xisbiga
dimuquraadiga ah ee dib ula wareegaya talada Mareykanka.
Donald Trump oo ogolaaday in uu xilka ku wareejiyo Joe Biden.
Markii ugu horraysay madaxweynaha waqtigiisu sii idlaanayo ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan sidii ay usameyn lahaayeen xilwareejin dhanka maamulka ah.