Dowladda Itoobiya oo 'Beesha Caalamka' uga digtay faragelin ay ku sameyso dagaalka Gobolka Tigray.

Wednesday November 25, 2020 - 09:56:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo 'Beesha Caalamka' uga digtay faragelin ay ku sameyso dagaalka Gobolka Tigray.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa walaac ka muujisay shirarka ka dhacaya dibadda ee looga arrinsanayo arrimaha dagaalka culus ee ka socda gobolka Tigray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa walaac ka muujisay shirarka ka dhacaya dibadda ee looga arrinsanayo arrimaha dagaalka culus ee ka socda gobolka Tigray.


Warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Addis Ababa ayay ku diiday shirarka ka socda xarunta Q.Midoobay ee ka dhanka ah dagaalka ka holcaya gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga wadankaasi.

"Xukuumadda Itoobiya waxay beesha caalamka ka codsanaysaa in aan wax faragelin ah lagusoo sameyn dagaalka ka socda gobolka Tigray oo ah arrin maxalli ah oo lagu dabaqayo qawaaniinta dalka udegsan" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Itoobiya.


Dowladaha Midowga Yurub ayaa golaha ammaanka Q.Midoobay ka codsaday in ay kulan degdeg ah ka yeelato xaaladda aadka ucakiran ee ka jirta waqooyiga Itoobiya.

Bayaan uu soo saaray xoghayaha guud ee UN-ka António Guterres ayuu ku sheegay in uu ku boorinayo hoggaamiyaasha Itoobiya in ay sameeyaan wax walba oo karaankooda ah si ay u ilaaliyaan dadka rayidka ah.

Q.Midoobay ayaa sheegtay in waxa ka socda waqooyiga Itoobiya ay halis gelinayaan nolosha malaayiin qof.

Dhinaca kale waxaa maanta gelinka dambe ku eg mudadii 72-ka saacadood ahaa ee Abiy Axmed uu uqabtay in Tigreegu ay kudhiibaan magaalada Maqalla haddii kale go'doomin adag lasaari doono.

Hoggaamiyaasha jabhadda TPLF ayaa dhankooda ku goodiyay in ay dhabarka ka jebin doonaan melleteriga Itoobiya waxayna diideen in ay isku dhiibaan ciidanka Abiy Axmed.

Kumanaan kun ruux Itoobiyaan ah ayaa ku dayacan wadanka Suudaan halkaas oo lagasoo sheegayo xaalado bani'aadanimo oo aad uxun, kooxaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul insaanka ayaa ka digaya in hubka culus loo adeegsado dagaalka loo madlanyahay in uu ka dhaco magaalada Maqalla oo ay kunool yihiin dad ka badan nus malyuun qof.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items