Mas'uu sare oo katirsan dowladda Mareykanka ayaa
xaqiijiyay in sarkaalka lagu dilay dalka Soomaaliya dabayaaqadii isbuucii lasoo
dhaafay balse wuxuu diiday in uu bixiyo faah faahin intaas ka badan.
Sarkaalka ayuu dhaawac daran kasoo gaaray weerar uga
yimid dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin balse markii dambe ayuu udhintay
dhaawacii cuslaa ee soo gaaray.
Mas'uul American ah ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaalkan
ladilay uu muddo dheer kusoo jiray dagaallada ka dhanka ah mujaahidiinta
islamarkaana loo sameyn doono tallo xusuus ah oo loo dhiso saraakiisha sarsare
ee hay'adda CIA-da kuwaas oo ku dhinta dagaallada halista ah.
Wargeyska New York Times ayaa sheegay in sarkaalkan
CIA-da katirsan uu horay uga tirsanaa hoggaanka ciidanka loo yaqaan Navy SEAL ee
qeybta ka ah duullaanka saliibiga ah ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya iyo wadamo kale oo katirsan caalamka islaamka.
inkastoo aan wali la shaacin goobta sida rasmiga ah
loogu dilay sarkaalka hadane waxaa loo badinayaa in lagu dilay wilaayada
Sh/hoose isagoo qeyb ka ahaa weeraro habeen dheelmad ah oo ciidamada Mareykanka
iyo maleeshiyaadka Bangaraafta ay kusoo
qaadeen deegaanno lagu maamulo shareecada Islaamka.
Dilka sarkaalkan katirsan CIA-da ayaa imaanaya xilli
Mareykanku uu ku dhawaaqay in boqolaal katirsan ciidamadiisa uu kala bixi doono
dalka Soomaaliya bisha Janaayo ee sanadda 2021.
Sarkaal katirsanaa CIA-da Mareykanka oo lagu dilay weerar ka dhacay Soomaaliya.
Warbaahinta ugu afka dheer dalka Mareykanka ayaa sheegtay in sarkaal sare oo katirsanaa hay'adda sirdoonka ee CIA-da lagu dilay weerar ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya.